18/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dagaal xoogan oo ka dhacay deegaanka Nagarno Karabakh ee ka tirsan Azerbajaan

Dagaal xoogan ayaa ka dhacay deegaanka ku yaala gudaha Azrebajaan laakiin ay maamulaan Armeniya kadib dagaal Ruushku hub badan siiyay oo laguy jabiyay Azerbajaan. Dagaalkan oo aad u xooganaa ayaa reer Azerbajan sheegeen in ay ku qabsadeen laba buurood oo aad u muhiimsanaa.

Armeniya ayaa beenisay dhinaceeda soo bandhigtey diyaarad helikobtara oo ay soo rideen. Deegaanka Nagarno Karabakh ayaa waxa degan Arminiyiin gaalo ah waxana deegaanka siiyay Azerbajaan Stalin maadaama ay u badnaayeen Azerbajaan.

Heshiis Ruushku dhex dhexaadiyay ayaa faraha looga qaaday dhulka Azerbajaan in ay maamulaan Arminiya oo hub iyo dhaqaale ku bixisay taageerada ay siiso Kiristaan Armiiniyiinta ee halkaasi ku nool iyadoo hub farabadan ka helay Ruushka oo la safnaa Arminiya.

Inkastoo Azerbajaan soo iibsatey hub aad u farabada kana soo iibsatey Ruushka hadana waxba ma tarayaan maadaama Ruushku taageero Arminiya siina doono hub kale oo burburiya.

_89056533_755354f6-a98b-4b90-99a1-9df2dcdd5970[1] _89056535_0f248c00-c9b1-44e4-be26-63d634ab1e83[1]

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS