Wararka ayaa intaa ku daraya in arintu tahay dhul uu bixiyay Daahir Riyaale oo u dhawaa tiyaatarka waxase ku haysta ninkale oo sheeganaya dhulka.
Ciidamada Ingiriisku tababaray ayuu Siilaanyo u adeegsaday walise arintu ma cadda in la dhamaystiray. Wararka qaar ayaa sheegaya in ilaa shan qof ku dhaawacmeen ayna arinta soo dhex galeen odayaal ka tirsan raga dagaalamay oo ah beelaha Ciidagale iyo Habaryoonis,
Dadka qaar ayaa leh waxa isku dirka keenay maamulka Siilaanyo oo dhul laga iibiyay nin ganacsade xilligii Rayaale dib uga iibisay ninkale. Odayada dhaqanka ee beelaha ayaa ugu tagey dabaqa ay ragu fuushan yihiin waxayna soo arkeen laba nin oo dhaawaca.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS