X

Dagaalkii Nagoorno Karabaakh oo dhamaaday iyo Armiiniya oo is dhiibtey iyo dabaaldeg socda

Waxa saaka xilli hore lagu dhawaaqay in Armiiniya is dhiibtey kadib markii looga adkaaday dagaalkii gobolka Nagoorno Karabaakh ee ay haysatay muddo 30 ah weliba ku darsatey dhulkii kale ee u dhawaa ee Asarbajaan. Ruushka oo joojiyay caawimadii uu siinayay Armiiniya ayaa Armiiniya u sheegay inay is dhiibto mar haddii gobolka la qabsaday.


Haddaba muxuu yahay heshiiska ay kala saxiixdeen Ruushka iyo Asarbajaan ee Armiiniya isku dhiibtey

Heshiiskan waxa ku jira in dhamaan askarta ku hadhay gobolka Nagoorno Karabaakh ee Armiiniya ay ku noqdaan Armiiniya, Asarbajaana la wareegto dhulkeeda, dabcan dhowrka gobol ee ay joogeen askarta Armiiniya maahayn kuwo laga baryaayay inay ka baxaan ee waa kuwo loo soo socday in lagu xabaalo.

Madaxweynaha Asarbajaan ee guulaystey ayaa sheegay in dhowrka magaalo ee hadhay lagu wareejin doono bishan aakhirkeeda, isla markaana ciidanka Ruushka la geyn doono xadka labada dal ama wadada isku xirta gobolka iyo Armiiniya.


Heshiiska ay saxiixeen madaxweyne Buutin iyo Caliyeef ayaa ka dhigan in gobolku helayo wax ka yar 5 km oo wado ah oo ay la wadaagi doonaan Armiiniya. Waxa dhinaca kale la filayaa in dhamaan dadkii ka qaxay gobolka ay dib ugu noqon doonaan dhulkooda.

Heshiiskan is dhiibka ah ayaa si aada looga xumaaday dalka Armiiniya. Raiisal wasaaraha Armiiniya ayaa sheegay in xaalada milatari ee gobolka hadda ka jirta ayna jirin wax kale oo noo furan inaan is dhiibno mooyee.


Waxa kale oo loo dhisayaa Asarbajaan wado isku xidha Asaebajaan iyo gobolkeeda goonida u go’an oo awal ayna jirin wado isku xidha.

Waa guulweyn oo Asarbajaan gaartey ayadoo Ruushku aanu fileyn inay gaari doonto guul noocaasa laakiin ay guushu ay timi dhinaca RABI.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.