X

Maamul jufeedyada dalka iyo siday u jaqaan dhiiga shacabka

Sheekada federaal ayaa ka mida dagaalada xoogan ee lagu soo qaaday dalka kadib burburkii qaranka. Waxa goboleysiga sii kordhey fadhiid Xasan Sheekh oo markii Kiiniya diidey inay soo wareejiso Kismaayo bilaabay inuu jafjafo Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle.


Nasiib wanaag halmar ayuu ahaa oo dib looma dooran laakiinse wuxuu qayb ka ahaa burburka maadaama uu sii badiyay dabin cadow soo walaaqay oo ay fuliyeen calooshood u shaqaysteyaal.

Waxaad aad u naxaysaa sidaa xoolaha masaakiinta ugu tuntaan ayagoo iska noqdey meel jufo ku adeegato ee ayna ahayn meel shacabka dhan loogu adeego. Warka ugu naxdinta badan ayaa in berito oo Arbaca loo doortan doono nin jufadiisii xataa ka qaylisay musuqiisa iyo xoolo cunkiisa.


ā€¯Waxaan leenahay Cali Cabdillaahi Guudlaawe xoolaha ummada u celi ayay yiraaheen jufadiisa Hawiye ee uu ka soo jeedo, waxana nasiib daro ah in loo caleemo saarayo maanta 11/11/2020 madaxa maamulka lagu dhintey.

Tani waxay tusaysaa dhalinyarada dalka in mustaqbalku hog ku sii dhacayo maadaama ayna jirin madax fogaan arag wanaagsan leh oo dalka ku soo celiya kala dambeyn.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.