X

Dagaalku ku koobnaan maayo Xamaas hadday Yuhuudu qasto baytul maqdis: XISBULLAH

Hogaamiyaha XiSBULLAH oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii dhamaaday ee u dhexeeya gaalada iyo ururka Xamaas ayaa sheegay in dagaalku ku koobnaan doonin Xamaas keliya ee dhamaan ururada xaq u dirirka ku biiri doonaan.


Xisbullah oo Yuhuudu aad uga baqaysay inay ku biiraan dagaalka ayaa iyagu aan ku biirin maadaama dagaalka uu koobnaa, ayna fiiriyeen arimo badan. Xisbullah ayaa qayb weyn ka qaadatey la dagaalanka argagixisada Siiriya ee wahaabiyada Sacuudigu ka dambeeyeen.

Xisbullah oo Iiran si fiican u hubaysay ayaa hadda haysata hub ku filan oo ay wax ugu gaysato Yuhuuda iyo weliba diyaaradaha aan is wadin oo ay ku hilfaha ugu qaadi doonto diyaaradaha Yuhuuda.


Yuhuuda ayaan weerar dhul waxba ku qaadi karin laakiin Maraykanku ku caawiyay hubkiisii ugu dambeeyay.

Hogaamiyaha Xisbullah Nasralah ayaan isagu hadlin in muddo ah ayadoo la sheegayo inuu xanuun hayo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.