X

Dalalka maamulka Somaliland ka taageera dhaqaalaha doorashada oo shuruudo keenay

The Special Representative of the UN Secretary-General (SRSG) for Somalia, Michael Keating looks on as a health worker measures a child's height at Gabiley Maternal Child Health Clinic in Somaliland on April 2, 2017. Keating visited the clinic to assess the impact of the drought on communities. UN Photo/ Omar Abdisalan

Dalalka maamulka Somaliland ka taageera dhaqaalaha doorashada ayaa shuruud ku xiray la’aanteed diidey inay lacagta iska khasaariyaan. Wadamada ayaa inta badan kharash kaga baxaa waxa loogu yeero dmoqraadiga.

Shuruuda lagu xirey maamulka Muuse Biixi ayaa waxa ka mida qodobadan soo socda.


In maamulku ansixiyo kootada kuraasta ee loogu talogalay haweenka iyo dadka ay hayb soocaan

In maamulku si nabada ku xaliyo dagaalka ay ku qaadeen gobolka Sool laguna soo afjaro xal siyaasadeed. Muuse Biixi ayaa ku dodaya inuu u dhimanayo xad Ingiriis dhaxal u siiyay.

In la xaliyo cidda noqonaysa guddiga doorahada maamulka oo si xun u musuqmaasuqey doorashadii u dambeysay ee Jeegaantu is biirsatey halka jufooyinka qoloba gaarkeed u dagaalamaysay.



Dalalka bixiya inta badan lacagta maamulku ku galo doorashooyinka ayaa xooga sii saaray arinta xisbiga Wadani ku rabo in la helo guddi doorasho oo xalaala.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.