21/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dalka ugu musuqa badan aduunka oo daqiiqadii u dambeysay ka yaabiyay dadkiisa

Dalka ugu musuqa badan aduunka ee Nayjeeriya ayaa ka yaabisay dadkeeda daqiiqadihii ugu dambeeyay kadib markii doorasho loo xamaan qaatey maanta loo sheegay sadexdii habeenimo in doorashadii dib loo dhigey. Gudiga doorashada ayaa war ku sheegtay sidaas.



Dadka oo markii horeba ka niyadjabey sida dalkooda oo saliid badanleh u socdo ayaa aad ula yaabay go’aanma gudifa doorashada ee subaxnimo hore sheegay in dib loo dhigey.



Dadka qaar ayaa ka timi dhul aad u fog oo haystey maanta oo kaliya inay joogaan goobaha codeynta hadase lagu qasbey inay dib u noqdaan.

Nayjeeriya ayaa dadkeedu fiqiir yihiin isla markaana lagu arkaa dadka ugu taajirsan Afrika, maadaama lacagtaasi ay ku heleen si musuqa.



Labada musharax ayaa labaduba muslimiin ah kana soo jeeda Woqooyiga dalkaasi.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS