11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dalkaasi Kasakhistaan oo neef-qabatoo cusub ay dad badan ugu dhinteen

Safaarada Shiinaha ee dalkaasi Kasakhistaan ayaa dadkeeda uga digtey inay taxadir dheeraada sameeyaan guryahana ku ekaadaan kadib markii dalkaasi ay ka dilaacdey neef-qabatoo cusub oo ay u dhinteen tiro ka badan kuwa u dhintey cudurka Kooro.



Dhimashada neef-qabatinka ayaa kor u dhaaftey tan cudurka Kooro. Waxa walaac ka muujiyay hay’adda caafimaadka adduunka halistan cusub ee ka soo korodhey dalkaasi. Kasakhistaan ayay yaryihiin adeegyada caafimaadka sida sariiraha , waxana jirta daawo la’aan iyo weliba dhakhaatiir ku filan.



Madaxweynaha dalkaasi ayaa sheegay in dalka ay haleeshay soo laba kacleyn Kooro ayna hadda ku biirtey neef-qabatowga. Waxa madaxweynuhu eryay wasiirkiisa caafimaadka oo ay ku dhacday neef-qabatoo.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEEWS