X

Dalku hadda ma u baahan yahay hogaamiye cusub

Waxa loo balansan yahay in doorashada madaxweynaha ay dhacdo 15-ka bishan oo ah maalin Axada. Ilaa hadda go’aan gudoonka cusub ma sheegin ama lama iman qorshe iuu wax kaga qabanayo xildhibaanada gobolka GEDO.


”Caqligu wuxuu na siinayaa waa in xildhibaanada oo dhan la doortaa haddii kale waxaa imaanaya in dalka gobolana codkooda wada helaan kuwa kalana la xanibo ayuu yiri Cali Calasow.

”Waan fahmi karaa Kiiniya iyo kooxda Xalane waxay jeclaan lahayd in xildhibaanada gobolka Gedo ka qayb gelin doorashada waayo waa ugu yaraan 10 cod oo ka lumay madaxweyne Farmaajo ayuu raaciyay Cali Calasow halka musharixiinta kale ay wada haystaan xildhibaanada goboladooda.


Wareega hore waa ku guulaysteen wayna ka reebeen doorashada gudoonka laakiin kan madaxweynaha haddii laga reebo doorashadaas looma arki karo mid xalaala waase sidey jecelyihiin kooxda Xalane.

Su’aasha aad is weydiin karto ayaa ah dalkani ma u baahan yahay hogaamiye cusub xilligan hadda lagu jiro.

Jawaaabta aan idiin hayo waa MAYA waayo waxa su’aal aad isku weydiinaysaa aan doorano madaxweyne cusub ma xuma yaanse dooranaa, waana halka aad ku waynayso shaqsiyaad xilligan bedeli kara.


”Waxa mucaarad ku sheega u hormooda shaqsiyaad hore u soo fashilmay sida Shariif sh Axmed oo hore u gatay dastuurkii dalka, badda rabay inuu gorgortan kala galo Kiiniya, laga soo saxiixay sheekada ”Somaliya iyo Somalilaan” ayuu yiri Xuseen Warsame. Waana la socotaan inuu ahaa shaqsiyaadkii ugu dhaartey inuu madaxweynaha hadda ka saari doono Muqdisho asagoo qabiil adeegsanaya.


Kaaga darane waxa isna madaxweyne soo ahaa fadhiid Xasan Sheekh oo markii Kiiniya ugu hanjabtey inay afka ka laadi doonto faraha ka qaaday maamulka ay ka dhisatey Kismaayo ee Axmed Madoobe. Waa shaqsigii kadib sii balaadhiyay nidaamka maamul jufeedyada isagoo isleh cod kaga hel.

Inta kale waa shaqsi shaqsi aan welli la tijaabin iyo qaar la soo tijaabiyay oo aad ka naxayso hawlaha ay galeen. Koxda Xalane ayaa xooga saaraysa inay mid ka mida fadhiidyadii hore u iibiso xildhibaanada si ay danahooda inooga fushadaan.


”Hooyo anigu am rabo in madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo la bedelo waayo dheef mooyee ma qabno wax dhibo ayay tiuri hooyo Daahbo oo iyadu aanan cod lahayn laakiin fikirkeeda ay la qaba malaayiin Somali ah.



”Waxa keliya ee aad ku dooranaysaa madaxweynaha hadda waa mishaharada shaqaalaha dawlad iyo ciidanka oo joogto ah halka kuwii ka horeeyay ay jiri jirtey in xitaa boqolka doolar uu qirinqiir aha, musuqmaasuquna gaaray halkii ugu saraysay.

Dalku wuxuu u baahan yahay inuu xajisto madaxweynaha hadda jooga, xildhibaanaduna ka turjumaan danat dalka iyo tan dadweynaha.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.