X

Xilliga doorashada madaxweynaha oo la shaaciyay

Kadib markii la doortey guddi ka shaqaysa doorashada madaxweynaha ayaa isla guddigaasi soo saareen jadwalka doorashada madaxweynaha. Gudoomiyaha Cabdiqani Geele oo ka soo jeeda Butlaan iyo ku xigeenkiisa Maxamed Keerow Maxamed ayaa shaaciyay in 15 MAAJO la qaban doono.


”Waxay doorashad dhacaysaa 15 MAAJO. Diiwaan gelintu waa sideeda bishan halka hadal jeedintuna ay noqon doonto 12-ka bishan ayadoo Axada dambe ay noqon doonto doorashada ayaa lagu yiri qoraal.



Qabashada doorashada madaxweynaha ayaa soo afjaraysa xilli aad u xun oo dalku galay kala dambeyn la’aan maadaama ay kooxda Xalane ay hor istaagto talaabo kasta oo dawladu qaado.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.