X

Dalku wuu dhisnaa intaanu Sucuudiga soo hubeyn argagixisada hadana waan soo celin karnaa nabada hadii!!! ASAD

Madaxweynaha Siiriya oo dalkiisa ay burburiyeen Sucuudiga iyo Turkiga halka Maraykanka iyo Yuhuuduna hubka bixinayaan ayaa waraysi ku sheegay in uu soo celin karo amarka iyo kala dambeynta inkastoo waxoogaa dheer ay qaadanayso sababtoo ah ayuu yiri waxa hubeynaya argagixisada dalalkaas aan soo sheegnay.

Waraysi uu bixiyay ayuu ku sheegay in uu awoodo in uu dalkoo wada xoreeyo xilli argagixisadu ay xukunto bariga dalkaasi inkastoo xoogaga Kurdiyiinta oo uu Maraykanku hubeeyo ay hadda ku socdaan goobaha argagixisada Daacish.

Madaxweynaha Suuriya ayaa isagoo ay ridayaan xoogaga ay taageeraan Yuhuuda, Maraykanka, Sucuudiga, Turkiga iyo Qadar ayaa waxa ka soo gaaray Ruushka iyadoo hadda lagala wareegay argagixisada dhul ad u farabadan,

Waana ta keentay in uu sidan u hadlo. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in lagu dhow yahay in la go’doomiyo argagixisada Yuhuudu taageerto ee Al-Nusra ee ku sugan caasimada labaad ee Xalab.

Si kastaba ha ahaatee waxa niyad fiican ay taasi siisey ciidanka Siiriya oo isugu Jira dhamaan dadweynaha Siiriya ha ahaato shacabka Sucuudigu kala qaybiyo ee Suniga iyo Shiicada oo aan iyagu ogeyn sheekadaas.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.