Wasiirka duulista ee dawlada dhexe ayaa shaaca ka qaaday inay baaritaan ku wadaan waxa sababay in diyaarad u rarneyd Amisom ay ku burburto garoonka kadib markey cagadhigatey.
Waxa la soo badbaadiyay shaqaalaha la socdey oo uu ku jiro wadaha diyaarada. Wadaha oo la hadley saxaafada ayaa sheegay in dameer isku gudbey taasina ay keentay in diyaaradu dhacdo.
Wafti uu hogaaminayo wasiirka duulista ayaa tegi doona magaalada Beledweyne isaga oo wata khuburo wax ka ogaan karo sida wax u dhaceen, waxa dhinaca kale uu la hadli doonaa masuuliyiinta garoonka iyo kuwa degmada.
Diyaaradan dhacdey ayaa ka diiwaan gashan dalkaasi Kiniya. Maaha markii ugu horeysay ee diyaarad Kiiniya leedahay ay ku burburto dalka, halka qaar si qaldan oo toogtey laakiin laba ka mida ay dhaceen.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay