08/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dameerkii wasiirka loo magacaabay!!!

Nin oday ah oo ka talin tajiray Magaalo ayaa wuxuu jeclaa ugaadhsiga. Wasiiradiisii ayuu wuxuu ku daray wasiirka u qaabilsan sadaasha jawiga, si uu ugu sheego maalinta ku haboon ugaasiga iyo maalinta jawigu xunyahay ee aanu ku haboonayn.

Maalin ayuu jeclaystay inuu xaaskiisii u kaxaysto goobtii ugaadhsiga, wasiirkii ayuu waydiiyey xaalada jawi ee maantu waa sidee?
Wasiirkii saadaasha jawiga: jawigu maanta wuu daganyahay waanu ku haboonyahay ugaadhsiga.

Wasiirkii iyo xaaskii markii ay gaadheen kayntii laga ugaadhsanayey ayaa markaliya jawigii isbadelay, Roob Xoogan oo dabaylo wata ayaa da’ay, boqorkii iyo xaaskiisii ayuu la dhacay gaadhi faras ay saarnaayeen, halkii ayuu boqorkii ku xanaaqay wasiirkii oo Canaantay.

Iyagoo dhex lugayna kayntii ayay arkeen guri Boolo ah oo ka dhex dhisan Kaynta, xagii guriga ayay u leexdeen. Nin dab ku dhex shidanaya ayay ugu galeen.
Ninkii ayaa yidhi: anigu waan garanayey jawigu inuu maanta xun yahay.

Boqorkii ayaa Su’aalay : oo sideed ku ogaatay inuu jawigu xunyahay?.

Ninkii: Dameerkayga ayaa ii saadaaliya oo isaga oo dhagahu taaganyihiin hadaan arko jawiga ayaa xun , isagoo dhagahu jiifaan hadaan arkana jawi fiican weeyaan.
Boqorkii ayaa yidhi dameerkaaga waxaan u magacaabay wasiirka saadaalinta jawiga, lacagna wuu siiyey ninkii oo wuu kaxeeyey, wsiirkii horena halkii ayuu ku casiley.

GUNAANAD:
Marka aanay jirin shuruudo loo eego qofka la magaacabayo, dameerna in la magacaabo waxba kuma jabna.