Wararka aan ka helayno deegaanada Khaatumo State ayaa sheegaya uin danab ku dhacay qoys xoolo dhaqato ah oo degan duleedka magaalada Xamar Lagu Xidh ee Khaatumo State. Labada qof ee danabku dilay ayaa la sheegay in ay isku qoys ahaayeen halka la sheegayo in hooyo iyo ilmoyar iyagana waxyar soo gaadhay.
Labada qof ee dhintay ayaa lagu sheegay wiil iyo gabadh Walaalo ah. Xiligan oo lagu Jiro xili Roobaadka ayaa gobolka cayn ee maamulka Khaatumo Waxaa uu ka mid yahay Meelaha Sida Wayn Raxmaadka Eebe uga hooray Waxaana guud ahaan Roobabkan Barwaaqeeyeen Dhulka Khaatumo State.
Dhulka oo miyi ah awgeed ayaan jirin cid gurmad oo tagi karta iyadoo mashaqada roobabka awgeed dhulkuna wada yahay dhiiqi.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS.COM
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay