BaqdaadâDagaalka ka dhanka argagixisadada caalamiga ah ee ISIL oo xoogeystay iyo dawlada Ciraaq oo diyaarisay ciidan xoogan oo ay ku xoreyso caasimada labaad ee dalkaasi ee Moosul. Caasimada labaad ee dalkaasi ayaa ciidankii shiicada ee joogay cagaha wax ka dayeen sanadkii hore markii argagixisadu soo weerartay intaas wixii ka dambeeyay waxa argagixisadu u gaysatay magaalada burbur weyn.
Waxay burburisay qabriyadii rasuulada iyadoo Moosul tahay magaalo xadaarad leh oo ay soo mareen inta badan rasuuladii Alle doortey una soo diray ummadiisa si ay uga leexiyaan jidka shaydaanka ee shirkiga.
Ciidankan Ciiraaq diyaarisay ayaa waxa ka caawinaya dawladaha Carabta ee iyagu hore u taageeri jiray argagixisada ISIL. Dawladaha Sucuudiga iyo Imaaraadka iyo Kuwayt ayaa xaga hore kaga jira burburinta argagixisada ISIL.
Dawlada Maraykanka ayaa iyaduna sheegtay in ay cirka ka taageeri doonto si aduunka looga ciribtiro argagixisada ISIL iyo kuwa la midka ah.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS