Dawlada Ciraaq oo diyaarisay ciidan ay ku qabato caasimada labaad ee Ciraaq ee Moosul oo argagixisadu ka taliso+WARBIXIN
Baqdaad–Dagaalka ka dhanka argagixisadada caalamiga ah ee ISIL oo xoogeystay iyo dawlada Ciraaq oo diyaarisay ciidan xoogan oo ay ku xoreyso caasimada labaad ee dalkaasi ee Moosul. Caasimada labaad ee dalkaasi ayaa ciidankii shiicada ee joogay cagaha wax ka dayeen sanadkii hore markii argagixisadu soo weerartay intaas wixii ka dambeeyay waxa argagixisadu u gaysatay magaalada burbur weyn.
Waxay burburisay qabriyadii rasuulada iyadoo Moosul tahay magaalo xadaarad leh oo ay soo mareen inta badan rasuuladii Alle doortey una soo diray ummadiisa si ay uga leexiyaan jidka shaydaanka ee shirkiga.
Ciidankan Ciiraaq diyaarisay ayaa waxa ka caawinaya dawladaha Carabta ee iyagu hore u taageeri jiray argagixisada ISIL. Dawladaha Sucuudiga iyo Imaaraadka iyo Kuwayt ayaa xaga hore kaga jira burburinta argagixisada ISIL.
Dawlada Maraykanka ayaa iyaduna sheegtay in ay cirka ka taageeri doonto si aduunka looga ciribtiro argagixisada ISIL iyo kuwa la midka ah.

Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
November, 15, 2023
Qisada diyaarad laga leeyahay dalkaasi Nayjeeriya oo Sacuudiga ...
July, 24, 2023
Ururka samafalka ee MG ayaa caawa gudoomiye cusub ...
July, 12, 2023
Siyaasi Cali Faarax Cabdullaahi ayaa sheegay in Dhulbahante ...
June, 6, 2023
Umu Salamah waxay markii dambe ka mid noqotey ...
May, 13, 2023
Turkigu kama mid ahayn wadamada xilliyada doorashada isha ...
February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...
December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...
December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...
November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...
November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...
November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...
November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...