X

Dawlada dhexe oo ansixisay miisaaniyad laga naxo

Dawlada dhexe ayaa ansixisay miisaaniyad laga naxo. Miisaaniyada ay dawlada dhexe ee la aqoonsan yahay ku shaqayso ayaa ah mid ku filan mishaharka shaqaalaha dawlada iyo wasiirada kaliya oo aan ahayn mid wax looga qaban baahiyaha jira.


Dadku cashuur ma bixiyaan xataa shirkadaha waaweyn cashuur ma bixiyaan ee cashuurtani waa tii dumarka masaakiinta laga gurey ayuu yiri muwaadin Muqdisho jooga oo markasta ka hadla miisaaniyada.


Yaan la oran miisaaniyad ee hala yiraahdo lacagtii mishaharada dawlada ayu raaciyay. Sidaas ay tahay ayaa haddana labadii sano ee u dambeysay ay korodhey dakhliga dalku oo miisaaniyadu ku jirto.

174 xildhibaan ayaa ogolaaday, ma Jiro xildhibaan ka aamusay ama diiday ansixinta miisaaniyadda dowladda 2019.

Dawladda ayaa dhaqaalaha loogu tala galay miisaaniyadda 55.8% (189.9 Milyan) ka filaysa gudaha, 44.2% (124.6 Milyan) waxaa ay ka imaanaysaa deeqaha dawladda la siiyo.


Waa nasiib daro inaan madaxda jiidjiidano ayagoo haysta tirada lacagtaas yar ee dadku cashuurta ha bixiyaan si aan dalkeena u dhisano ayuu yiri muwaadin Xasan Cabdulle oo Muqdisho ku leh tukaan yar.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.