09/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dawlada hoose ee Muqdisho oo lagu qabsaday dhul u dhawaa masjidka Sheekh Cali Suufi oo ay burburiyeen

Muqdisho–Maamulka Gobolka Banaadir ayaa burburiyay qeyb ka mid ah Masjidka caanka ah ee Sheekh Cali Suufi oo ku yaalla Xaafadda KPP, Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Culumaa’udiinka ku cibaadeysta Masjidka iyo ehelada Sheekh Cali Suufi ayaa ku tilmaamay talaabada maamulka Gobolka Banaadir uu ku burburiyay dhismaha mid aan laga fiirsan, waxa ay sheegeen inay sharci u heystaandhulka.

Waa Daciifnimo in lagu dhiirado in la burburiyo qeyb ka mid ah Masjidka oo ay ka xishoodeen dhamaan dowladihii soo maray dalka, waxaan cadeynayaa in dhulkaan uusan aheyn mid hadda la dhisay oo uu yahay hanti ay leeyihiin reer Sheekh Cali Suufi ayuu yiri mid ka mid ah Culumaa’udiinka.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cali Seeko ayaa sheegay in dhulka ay burburiyeen uu yahay Darjiino ay leedahay Dowladda hoose, isaga oo meesha ka saaray inay burburiyeen dhul ay leeyihiin reer Sheekh Cali Suufi.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa hadda dhulkii lagu muransanaa siiyay masjidka balana ku qaaday in ay dib u dhisayaan qaybtan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS