X

Dawlada Ingiriiska oo markale cadaysay mowqifkeeda ku aadan gooni goosadka Somaliland

A British flag flies near the newly opened British Embassy in Mogadishu on April 25, 2013. British Foreign Secretary William Hague opened a new embassy in Mogadishu on April 25, 22 years after London pulled its diplomats from conflict-torn Somalia. AFP PHOTO / Mohamed Abdiwahab (Photo credit should read Mohamed Abdiwahab/AFP/Getty Images)

Dawlada Ingiriiska oo markale cadaysay mowqifkeeda ku aadan gooni goosadka Somaliland. Ingiriiska ayaa sheegay in ay ula macaamili doonaan maamulka Somaliland si QAYB ka mida dalka weynaha Somaliya.

Dowladda Ingiriiska oo ka hadleysay qaabka ay u caawiso Somaaliya, ayaa qorshaheeda ku dhex shaacisay inay Somaliland tahay qeyb ka mid ah Soomaaliya, isla markaasna ay wax la qeybsanayaan Soomaalida inteeda kale.

Ingiriiska ayaa ka dhawaajisay inaysan macquul aheyn in Somaliland ula macaamilaan sida wadan kaligiis meel taagan, maadaama ay arrintaas hor ka imaaneyso shuuucda Caalamiga ah oo ay dowladda Ingiriiska saxiixday sida ay hadalka u dhigtay.

Waxay sheegtay inay qarash badan ku badan ku bixisay mashaariic ay siisay Maamulka Somaliland, balse aysan midaas ka dhigneyn inay Soomaaliya ka go’day, waxayna sheegtay inay qeyb ka heleyso qarashaadka ay ugu talagashay Soomaaliya.

Dowladda Ingiriiska ayaa shuruud adag ku xirtay inay Somaliland u aqoonsato wadan ka go’ay Soomaaliya inteeda kale, waxayna ku xirtay inay dhammaan soo buuxiso shuruucda looga baahan yahay wadamada kala go’ayo.

Shuruuda ugu weyn oo ay ku xirtay ayaa ah inay marka hore Somailand kasoo dhaadhacsiiso Midowga Africa in loo aqoonsado wadan, marksa ay taas ku guuleysato oo uu Midowga Africa u aqoonsado Somailand inay tahay wadan ka madax banaan Soomaaliya qeybna ka ah Midowga Africa ayey dowladda Ingiriiska sheegtay inay iyadana aqoonsan doonto.

Warbixintan oo la mida kuwii hore loo ogaa ayaa niyadjab ku ah gooni goosadka oo rajo weyn ka qaba in Ingiriisku ictiraaf u raadiyo.

Soo akhrintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.