Dawlada Jaad ayaa ku hanjabtey in ay qaadeyso talaabo xoogan oo ay jeelka ku dhigeyso qofkii lagu qabto isagoo xiran indha shareer ama qof kasta oo wajiga soo qarsada. Dhawaan ayay ahayd markii argagixisada fuleyda ah ee Boko xaraam ay soo hubeeyeen haweenay indha shareeranhalkaana ku xasuuqeen dad tiro badan.
Indha shareerka ayaa xoog looga isticmaalaa wadamada Khaliijka carabta halkaas oo dumarkoodu xirtaan dharmadow oo maca indhuhu qarsoon yihiin taas oo ah dhaqan..waxayse bilaabeen in dhaqankaas ay ku faafiyaan dunida muslimka ah kuwooda fiqiirka sida Somaliya iyo wadamada Afrika.
Afhayeen u hadley booliiska ayaa sheegay in hadda la dhaqangelin doono in la madnuuco indha shareerka carabta inkastoo dadka ku nool saxaraha ay afka xirtaan iyagoo iska ilaalinaya siigada.
Jaad ayaa dhamaantood muslim ah waxa wax dilayana waa argagixisada Boko Xaraam ee ku qaraabata diinteena ka fog xasuuqa iyo dadka oo la iska dilo.
”Waa gar in aan madnuucno si mardambe aan loogu soo gaban in indhahana la xirto dadna la laayo ayuu yiri nin u hadley booliiska.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay