31/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dawlada Jabaan oo caawimo kale oo yar soo gaarsiisay booliiska magaalada Muqdisho: SAWIRO

Dawlada Jabaan AYAA caawimo kale oo yar soo gaarsiisay booliiska magaalada Muqdisho xilli deeqaha noocani ah ayna waxba ka tarayn baahida jirta laakiinse ay tahay ama dhaanto waxbo la’aanta.

Gaadiidka lagu wareejiyay dowlada, gaar ahaan Taliska Booliska ayaa loogu talo galay in lagu daabulo ciidamada Booliska.

Gaadiidka iyo Mootooyinka ayaa waxaa ciidanka Booliska ugu deeqay dowladda Japan oo ka mid ah dowladaha taageera Somalia.



Gaadiidka iyo Mootooyinka ayaa waxaa lagu wareejiyay Taliyaha ciidamada Booliska oo gaaray Garoonka Aadan Cadde oo aheyd halka lagu dajiyay deeqda, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda amniga Somalia.

Taliye Saacid wuxuu tilmaamay Booliska inuu yahay illaaliyaha nafta Bini’aadamka iyo sidoo kale dhawraha xuquuqda aadanaha, wuxuuna sheegay in ciidamada Booliska ay ku sii dadaali doonaan shaqada Qaranka ay u hayaan.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS