Washington–Dawlada Maraykanka ayaa digniin ka soo saartey in argagixisada shabaab xasuuq ka gaysato suuqyada waaweyn ee laga adeegto ee loo yaqaan Mall. Digniintan ayaa timi iyadoo argagixisada shabaab ugu baaqdey taageerayaasheeda ay maskaxda ka qabsatay in ay fuliyaan weeraro noocaasa.
Maraykanka ayaa sheegay in nin fuley ah oo wajiga soo qarsaday xataa indhihiisa aan la arkayn kuna hadlaya lahjada Ingiriiska uu fariin u diray shaqsiyaad iyaga taabacsan oo jooga Maraykanka in ay qaraxyo ama isqarxin ka gaystaan suuqyada waaweyn waanan digtoonahay.
”Hadaanaan fariimaha noocaasa ee fuleynimo aanan u qaadan in ay dhab yihiin waxaan wax u dhimaynaa amaanka dadka aan ka masuul nahay.
Wuxuu intaa ku daray in argagixisada shabaab ay burburtey hadase ay isticmaalayso shaqsiyaad aakhiro seeg ah oo qaraxyo fuliya.
Rashid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay