X

Dawlada oo agab caafimaad gaysay magaalada Buuhoodle

Kadib muddo badan oo dawlada Somaliya wax adeega gaynin magalooyin badan oo dawladnimada ogol ayaa maanta waxa gaaray Buuhoodle oo ka tirsan Togdheer agab caafimaad. Agab kasta oo caafimaad ayaa loogu baahan yahay gaar ahaan xilligan.


Maadaama aanu jirin wax maamula degmadaas balaadhan waxa lagama maarmaan noqotey in adeegyada dawlada si toosa loo gaarsiiyo deegano ay sheegtaan labada maamul e fashilmey ee Somalilaan iyo Butlaan oo iyagu si toosa iyo si hoosaba u sheegta inay go’een.


Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan ayaa sheegay in ay Buuhoodle u yimaadeen sidii ay ula socon lahaayeen xaaladaha Caafimaad ee ka jira magaalada iyo arrimo kale.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.