X

Tirada dadka ka badbaaday cudurka Kooro oo korodhey

Waxa kor u kacdey tirada dadka Somaliyeed ee ka kacay cudurka Kooro guud ahaan dalka gaar ahaana magaalada Muqdisho oo ay jiifeen tirada ugu badan ama dadka laga helay.


Inkastoo maamulada sida Somalilaan uu sii kordhaya tirada dadka laga helay. Wasiirada caafimaadka oo soo gudbisay tirada guud ayaa sheegtay in dadka bogsooday ay kor u kaceen.

Somaliya ayaa ka mida wadamada aanu sida xooga leh u saameyn cudurka Kooro laakiin haddana albaabada xiratey, ayadoo wadamo badan oo kiisaskoodu xad dhaaf yahay ay albaabada furayaan.


Tirada guud ee soo korodhey ayay ku sheegtay 34 xaaladood oo 18 yihiin maamulka Somalilaan, 14 gobolka Banaadir iyo 2 oo Hirshabeele ah.

Maamulka jubba oo ay yartahay baaritaanka guud maadaama Kiiniya hoostago ayaan wax cusub laga sheegin iyo sidoo kale Koofur galbeed iyo Galmudug.


Wasiir Foosiya Abiikar ayaa fariinteedu tahay hala wado taxadarka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.