X

Dawlada oo Axmed Madoobe ka diidey liisto odayaala oo uu soo xushey

Wasaarada arimaha gudaha ee Somaliya ayaa soo saartey warbixin ay ku sheegayso doorashada maamulka Jubba halkaas oo hadda,Axmed Madoobe soo saaray liisto aan ahayn liistada odayaasha soo xulaya ee  u diiwaan gashan wasaarada.


Warbixinta wasaarada ayaa lagu sheegay in aan la soo xulan doonin xildhibaano ilaa la saxo liistada odayaashasoo xulaya. Axmed Madoobe ayaa hore ugu fartuurey dawlada dhexe kuna tilmaanay mid aan soo farogelin karin arimaha Jubba oo hoostagta ciidanka Kiiniya.


Musharixiinta badankooda ayaa walaac ka muujiyay in doorasho xalaala ka dhacdo Kismaayo, haddii Axmed Madoobe oo Kiiniya wadato uu ku keliyaysto soo xulista xildhibaanada.


Hadalka wasaarada ayaa u muuqda mid Axmed Madoobe waxba ka soo qaadaun maadaama uu Kiiniya hoos-joogo. Waxana la sugaa halka fowdada uu bilaabay ay ku dhamaato ayuu yiri Cali Calasow oo Muqdisho jooga.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.