X

Dawlada oo faahfaahisay naftii halige argagixisa ah oo isku qarxiyay dawlada hoose ee Muqdisho

Naftii halige ayaa isku qarxiyay shir ay lahaayeen gudoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir oo uu hogaaminayay duqa magalada C/raxmaan Yariisow. Duqa ayaa ka mida dadka dhaawac ka soo gaaray xasuuqaas.


Dawlada ayaa sheegtay dhimashada 6 qof gudoomiye iyo tiro intas leeg oo dhaawacantey. Waxa kale oo dawladu magacowdey guddi baarta sida argagixisada ay ugu suuragashay inuu isku haligo xafiis sidaasa.

Waxana iska cad inta maryooley shaxad ku maqan tahay in iyagana lagu maqan yahay sidii loo qaarajin lahaa.


Dadka dhintay ee la xaqiijiyay waxaa ka mid ah:

Gudoomiyaha Cabdicasiis Sabaax Cabdullahi Asad.
Gudoomiyihii degmada Waabari, Mahad Cilmi
Agaasimaha nadaafadda Cabdifataax Cumar Xalane
Agaasimahii Shaqaalaha maamulka gobolka Banaadir Cabdullaahi Dheere.
la taliyaha dhanka Sharciga ee gobolka Banaadir Xasan Sabriye

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.