X

Dawlada oo balan qaad u fidisay Somalida ku xanibay adduunka

Dawlada Somaliya ayaa sheegtay inay ku hawlan tahay sidii Somalioda ku xaniban adduunka dib loogu soo celin lahaa dalka xilli cudurka Kooro uu kala xirey adduunka.


Tani ayaa imaanaysa xilli ay Somali farabadan ku xaniban yihiin adduunka ayna ka go’day sahaydii ay wateen xaalkooduna aad u xun yahay. Somalida qaar ayaan awoodin tigidho kale maadaama kii soo noqodka ahaa uu istaagay.

Dalalka ugu daran ee sida xun ula dhaqmey Somalida waxa ka mida Sucuudiga iyo dalalka kale ee Carabta. Wasiirada caafimaadka ayaa sheegtay in dadkaas la soo celin doono.


Dhawaan ayaa diyaarada Turkiga ay keentay dalka muwadiniin Somaliyeed oo wasiirada Fowsiya Abiikar sheegtay in ay hadda la socdaan xaaladooda caafimaad.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.