Dawlada Somaliya ayaa ciidamo lagu tababaray Baydhabo u daad-gureysay dhinacaas iyo gobolka Bakool halkaas oo dadku khaati bilah ka taagan yihiin dhiigmiiratada shabaab oo dadka u fadhiya wadooyinka.
Taliyaha ciidankan hogaaminaya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidanku diyaar garowgii u dambeeyay ku jiro dhawaan ay dhiigyacabka ka sifeyn doonaan gobolka goobaha ay kaga sugan yihiin.
Dadka ayaa in muddo ka cabanaayay in wadooyinka loo fadhiyo oo ayna si xora u ganacsan jiray, taas oo khasabtey in xitaa waxa imaanaya magaalada ay adkaato.
”Waxa naga go’an inaan go’doonka ka saarno gobolka gaar ahaan degmada Waajid ayuu yiri korneyl Yuusuf Cali.
C/llaahi Warhaye
ARAABINEWS