X

Dawlada oo eryaysa 26 agaasime dad u qalmana ku wareejinaysa jagooyinkaas: MAQAL

Dawlada ayaa eryaysa 26 agaasime wasaaredeed oo ka mida wasaaradaha dawlada dad u qalmana ku wareejinaysa. Waxa sidaas yiri RW Xasan Cali Kheyre.



”Waxa ka mid ahaa balan qaadyadayada anaga iyo madaxweynaha in jagooyinka qaranka dadku u sinaadaan loona dhiibo dad karti leh ayuu yiri Kheyre asagoo saxiixay wareegto ama digreeto.



Wuxuu kaloo sheegay in si cad loo qaybsan doono jagooyinkaas oo qofkasta oo Somali ah xaq u yeelan doono in uu ku soo bandhigo kartidiisa.

Wuxuu sheegay in uu dhamaadey dhaqankii wasiirku magacaabayay nin qoyskiisa ah.



Hoos ka dhegeyso

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.