X

Faahfaahin qarax xoogan oo argagixisadu ka fulisay Muqdisho iyo tirada khasaaraha jira

Faahfaahin qarax xoogan oo argagixisadu ka fulisay agagaarka huteel Safaari ee magaalada Muqdisho iyo khasaare Jira. Qaraxan oo laga maqley Muqdisho oo dhan ayaa ahaa mid xoogan.

Argagixiso wadey gaadhi loo maleeyay kuwa xamuulka oo alaabo saaran tahay ayaa ku qarxay goob mashquula oo ka tirsan isgoyska Soobe. Waxa caadi ah in argagixisadu eegato meelaha lagu badan yahay.



Qaraxyadan oo ay ugu talogalaan in ay Muslimiinta ku xasuuqaan ayaa khasaare u gaystey dad shacaba oo ku sugnaa goobta.

Gaariga laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa ayaa ku Qarxay Afaafta Hore ee hoteelka, waxana goobtaas dhinaca hantida burbur xoogan soo gaaray dhamaan guryihii ka ag dhawaa.



Argagixisada ayaa marka ay fuliso isqarxin noocan oo kale tiraa ”Allahu Akbar” ayadoo ay ka tahay farxad xasuuqaas naf iyo maal ee goobta ka gaysteen, ayadoo aan ognahay in RABIGEENA wax qurxoon kaliya lagu baryo.

Dawlada ayaa baryahan si wacan u xasilisay amniga magaalada waxayna muujinaysaa in midkan la soo daayey si loo yiraa waxa fashilmey xasilintii.



Ilaa hadda lama sheegin tirade rasmiga ah ee ku nafwaayay xasuuqan argagixisada ee xalaashadey dhiigeena.

Waxa dhinaca kale Jira qarax labaad oo ka dhacay xaafada wadajir iyo mid ciidanka NISA ay fashiliyeen isla markaana ayagu qarxiyeen gaari qarax saarnaa.

Wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya in xasuuqu gaarayo ilaa hadda 30 qof tiro intaas ka badana ay dhaawac yihiin, waxana la filayaa in khasaaruhu intaas ka badnaado.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa codsadey in dadka dhaawaca ah lala gaaro dhiig. Waxa welli lagu jiraa baarida goobta xasuuqu ka dhacay.

Wasaarada ganacsiga ayaa xaqiijisay in mid ka mida shaqaalaheeda oo wadada marayay uu ku shahiidey goobta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.