X

Qadar oo daadguraynaysa dhaawaca qaraxii xarunta dawlada Hoose

Kadib xasuuqii kooxda gaalaynta Muslimiinta ay ka gaysatey xarunta dawlada hoose ee Xamar halkaana ku xasuuqdey ilaa 7 qof ayaa dhaawaca qaar loo qaadayaa dalka dibediisa.


Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa dhaawaciisa lagu sheegay mid culus ilaa haddana uu miyir la’yahay. Argagixisada ayaa adeegsaday haweenay la sheegay in la garanayo oo la dhaafsiiyay.

Naftii-halige been loogu sheegay inuu jano ku galayo dhiiga Muslimiinta ayaa la xaqiijay inuu isku qarxiyay afaafka hore ee hoolka shirku ka socday.


Tirada xasuuqa ayaa waxa ku biirtey haweenaydii gudoomiyaha ka ahayd degmada C/casiis iyo xubno kale oo ka tirsan golaha deegaanka.

Dawlada Qadar ayaa markiiba ka jawaabtey dalabka ah in gurmad lala soo gaaro dhaawaca intooda culus oo waxba looga qaban waayay isbitaalka Digfeer ee uu dib u dhisay madaxweynaha Turkiga Erduqaan.


Laba usbuuc ayaa ka soo wareegtay markii argagixisadu weerartey huteel dadku ku shaahaynayay kuna xasuuqeen shacab ay ku jirto Hodan Naaleeye.

Aduunka badankiisa ayaa wada xambaareyn dusha uga tuurida.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.