X

Dawlada oo fulisay liistada ay dalbadaaan kooxda barakicisay shacabka Muqdisho

Guddiga uu wasiirka koowaad u magacaabay ka soo talobixinta liistada ay soo qorteen kooxdii barakicisay Muqdisho ee sheegan jirtey midowga musharixiinta ayaa sheegay inay ka saareen 34 qof oo aan jagada guddi ahaan buuxin.


Wasiir ku xigeenka Warfaahinta  Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in Maalmo dedaal dheer ay bixiyeen wadatashi balaaran ay sameeyeen isticmaalnay dhamaan aalladihii ay heli kareen suurtagalna ka dhigi lahaa in la kala ogaado cabashooyinkii la xiriiray guddiyada saddexda qaybood ah ee hirgalinta doorashada guddiga heer federal & guddiga xalinta khilaafaadka iyo guddiga heer mamaul goballeed ay suurta gashay in ay soo gabagabeeyaan kala saarista  iyo kala hubintii Guddiyada ayna ku guuleysteen.


Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda xilgaarsiinta oo ah Guddoomiyaha Gudiga ayaa sheegay in muddo 48 saacadood gudahood ah la keeni doono Xubnihii bedeli lahaa, si tababar loogu furo doorashadana u bilaabato.

Mid ka mida musharixiinta Hawiye ee is mahadiyay ayaa diidey halka isla midkale oo Hawiye ah uu isna sheegay inuu taageersan yahay

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.