X

Dawlada oo gargaar qalab isku dhaafisay maamulada Butlaan iyo Somalilaan: SAWIRO

Wasaarada caafimaadka dawlada dhexe ayaa gargaar qalab oo loo xidho cuduerka Kooro isku dhafisay gobolada dalka. Qayb ka mida qalabkaas oo ka timi dalka Shiinaha ayaa diyaarad loogu saaray maamulada Butlaan iyo Somalilaan.


Xaalada dalkeenu ku jiro awgeed ayaa ah in dalku aanu ka soo kaban karin cudurka Kooro oo faro ba’an ku haya dawlado sheegan jirey inay awood leeyihiin laakiin RABI tusay waxa ay yihiin.

War kasoo baxey wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in deeqdaan Qalabka ah maamul goboleedyada looga baahan yahay inay uGu shaqeeyaan sida loogu talo galay.


Qalabkaan loogu talo galay ka diyaar garowga cudurka Kooro ayaa waxaa Soomaaliya iyo Afrikaba uga deeqay maalqabeen u dhashay dalka Shiinaha madaxna ka ah Hay’adda Alibaba Foundations.


”Waa masuuliyad wyn in markiba hore loogu gudbiyay maamulada dalka oo aan kow ka joogin ka hortaga cudurka Kooro ayu yiri Cali Calasow. Waxa maamul goboleedyada kale loo qaadayaa qaybtooda isla manta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.