X

Dawlada oo khashiftey nin xerada Xalane kula dhuumanayay cudurka Kooro

Wasiirada caafimaadka marwo Foosiya Abiikar ayaa qarxisay inuu Jiro qof sadexaad oo xanuunka Kooro lagu takooray xerada Xalane ee ajaanibtu ka buuxdo. Ninkan ayaa la qarinaayay in muddo ah.


Dawlada Somaliya ayaa keliya og askar Talyaanigu soo tababaray oo la soo noqdey xanuunka Kooro. Ilaa hadda kiisaska la hayaa waa laba qof oo xaaladoodu ay fiican tahay laakiin aan la sii deyn Karin ilaa laga sifeeyo.

Haddaba ta yaabka leh ayaa ah in isla markii ay wasiiradu ka hadashay ninkaas lagu hayo xerada Xalane waxa isla markiiba warsaxaafadeed soo saaray afhayeen u hadley qaramada midoobey.


Wuxuuna sheegay in ninkaas ay diideen dalka uu ka soo jeedo uu ka soo degay madaarka Muqdisho muddo sided cisho ah lagu hayo xerada Xalane, ayna sheegeen inu ka mid yahay qandaraasleyda hogaanka Amisom.

Qandaraasleyda ayaa ah tuugo bilaa cashuur ku soo gelita dalka maciishadio kadibna lacago xadh dhaafa ku iibiya suuqyada Muqdisho iyo gobolada u dhow.


Wuxuu warsaxaafadeedka ku sheegeen inay si dhaba u qaadayso masuuliyada ninkaas ay qariyeen.

C/llaahio Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.