X

Dawlada oo ka hadashay weerar ay qaadeen ciidanka cashuurta qaada

Afhayeenka madaxtooyada Somaliya u hadley ayaa cambaareetay fal ciidanka cashuur ururinta ay saaka kula kaceen telefishanka Universal ee xaruntiisu tahay London oo aan bixin cashuurta ku waajibtey oo msrkii dambe waaxda cashuuruhu go’aansadey inay sharciga ku qaataan gacmahooda. Waxa muuqata in telefishankaa xaruntiisu tahay London aanu bixin cashuurta ku waajibtey.


Afhayeenka madaxtooyada oo arintaan kaga jawaabay bartiisa baraha bulshada ayaa xooga saaray falka ciidamadu ku kaceen, wuuse ka aamusey waxa kalifey inay sharciga gacmahooda ku qaateen.


“Marnaba loo dulqaadan maayo in ciidankii loogu talogalay inay sharciga ilaaliyaan ay iyagii jabiyaan ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada. Lama garan karo inta cashuur ee lagu leeyahay telefishanka la baxay magaca Universal.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.