X

Dawlada oo ku dhawaaqday arin ka farxisay muwaadiniinteeda dibedda

Dawlada Somaliya ayaa ku dhawaaqday inay dib u soo celin doonto muwaadiniinteeda ku xaniban dibedda. Waxaan hadda beegsan doonaa wadamada Imaaraadka, Turkiga iyo Baakistaan ayaa yiri wasiir ka tirsan arimaha dibedda.


“Waxaan keeni doonoo muwaadiniin kale oo ku xaniban sadex dal waxaana dawladda Soomaaliyeed ay shaqeyneysaa bad-qabdka guud ahaan shacab weynaha Soomaaliyeed iyagoo laga taxadirayo cudurka safmarka ah ee Kooro ayuu yiri Danjire Maxamed Cali Nuur Xoghayaha joogtada ee wasaradda arrimaha dibadda.


Maaha markii ugu horeysay ee dawladu dadkeeda dib u soo celiso intii tamarteeda ah xilli socdaalka aduunku kala xiran yahay oo dawlad walba odatey xadkeeda.

Soo celinta dadka Somaliyeed ee rafaadsan ee ay ka dhamaadeen sahaydii iyo lacagtii ayaa aad loo soo dhaweeyay.

C/llahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.