X

Deg deg: wadamo badan oo sheegay maalinta ciidu tahay

Ayadoo maanta dhegaha loo taagaayay in la arko bisha Shawaal ayaa wadamo badan sheegeen inayna arag bisha sidaas awgeedna ay Axadu tahay maalinta koowaad ee Ciida.


Wadamada Turkiga, Indooniisiya iyo Malaysiya ayaa iyagu sheegay inay arki waayeen bisha Shawaal isla markaana maalinta Axada ay tahay maalinta koowaad.

Wadamada Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa iyaguna sheegay inay arki waayeen. Beri ayaa ugu dambeysa soonka Axadana waa ciid ayuu yiri Sucuudigu



Waxay noqonaysaa markii ugu horeysay ee aduunka Muslimka badankiisu halmar isla ciidaan taasina ay ugu wacan tahay dayaxa oo la arki waayay ama cadceeda kahor dhacay.

Si kastaba ha ahaatee magaalooyinka dalkeena ayaa dadku si weyn wax uga iibsanayeen tukaanada dharka ciida xilli lagu Jiro xakamaynta cudurka Kooro, dadkana loo sheegay inay guryaha ku tukadaan.


Dalkeena hooyo ayaa welli xilliga aan daabacayno oo ah 6:55 oo maqribnimo sheegin in beri soon tahay iyo inay ciid tahay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.