X

Dawlada oo ku hanjabtey inay xireyso xarumo lagu sheegay dhaqancelin

Dawlada Somaliya ayaa ku hanjabtey inay xireyso xarumo lagu tilmaamey kuwo dhaqan celis laakiin inta badan ah xabsiyo dhalinta la keeno lagu ciqaabo halkii ay noqon lahaayeen goobo aqooneed. Waxa tusaale loo soo qaatey gabadh dalkaasi cunsuriga ah ee Denmaak laga soo celiyay oo si xun loola dhaqmey.


Gabadha ayaa aakhirkii waxa dib u qaadatey dawladaas cunsuriga ah kadib markii ay gabadhu ka baxsatey xarun lagu haayay una gudubtey mid kale.


Wasaarada arimaha gudaha oo kaashanaysa maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray digniin ay u dirayaan qolyaha ku shaqaysta xarumo lagu sheegay dhaqabcelin.

Waxay kaloo ka digeen xarumo lagu dhigo Quraanka laakiin lagu maran habaabiyo dhalinyarta si ay u galaan argagixisada shabaab ee dhiigmiiratada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.