X

Muuse Biixi oo sheegtay inuu dib u celiyay markab dhiga xadhiga Internet-ka

Saxaafada mamulka Somalilaan ee Muuse Biixi ayaa sheegtay inay rafaad kadib dib u celiyeen Markab ka shaqaynaayay xadhig dhigida internet cusub oo dalka guud ahaan yeesho. Mashruuca xadhig dhigida oo laga weeciyay Saylac ama Lughaya oo Berbera loo waday ayaa la sheegay  in ganacsato beesha dhexe ah ku leeyihiin saami.


Muuse Biixi ooka xanaaqay xadhiga Internet-ka ee ay maalgeliyeen dawlada Somaliya saamina ku leeyihinin gancasato aan beeshiisa ahayn ayaa sheegay in markabkaas laga diidey inuu xadhiga dhigo.


”Tani waxay u muuqataa istus iyo hor istaag wax loogu dhimayo horumarka dalkoo dhan ee aan ahayn mid beeleed sida Muuse Biixi u fekerayo ayuu yiri Xuseen Warsame o Hargeysa jooga.


”Beri ayuu odhan doonaa Xamarbaa horumar iga hortaagan horumar oo dhalinta burburka dhalatey ku miisi doonaa beenaa ayuu raaciyay Xuseen Warsame.


Muuse Biixi ayaa sheegay laakiin aanu is difaacin uGu dambeynse ku guulaysteen inay celiyaan. Markabkan xooga weyn ayaa biyo u liqeyn doonyaha Saylac jooga ee Muuse Biixi adeegsanayo. Wxase muuqata in hawsha la joojey si ay ahaataba.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.