X

Dawlada oo la wareegtay idaacad sun ahayd yaase lahaa

Dawlada ayaa la wareegtay idaacad sun ahayd oo faafgin jirey waxyaabo beena oo dhalinta looga weecinayay diinta Islaamka ee saxda ah laguna weecinayay dhinaca isqarxinta.



C/raxmaan Iidaan Yoonis oo ah Siihayaha Wasiirka Warfaafinta Somaliya, ahna Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi ayaa warbaahinta u sheegay in qalabka Idaacadaasi lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen ciidamada dawladda Soomaaliya.



Wasiirka ayaa sheegay in hadda ay si buuxda ula wareegeen, islamarkaana ay hadda gacanta ku hayaan.

“Waxaa guul u soo hooyatay Umadda Soomaaliyeed iyo Dowladdooda in argagixisada Shabaab lagala soo wareegay Idaacadii ay dadka ku marin habaabin jireen,taasina waxaa ku ammaanaan Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u taagan difaaca dalka iyo bur burinta argagixisada, hadana qalabkaasi waxaa gacanta ku haya laamaha ammaanka Soomaaliya.” Ayuu yiri Wasiir Iidaan Yoonis.



Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Cabdullaahi Cali Canood ayaa sheegay in maalmo ka hor ay Burburiyeen Idaacadda argagixisada uGu weynayd geeska Afrika.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.