X

Dawlada oo lagu amaanay xiriirka ay u jartey Kiiniya iyo askarta Kiiniya oo

Kiiniya ayaa sheegtay inayna welli helin warqad rasmiya oo sheegaysa inay Somaliya xiriirka u jartay kadib markii si rasmiya Somaliya u sheegtay inay xiriirka u jartey. Waxa loo sheegay ku xigeenada safiirka ee jooga Nayroobi inay ka soo baxaan.


Kiiniya oo aargoosanaysa

Kiiniya ayaa durba sheegtay inay ka aargoosan doonto baayacmushtarka Somalida ee jooga dalkeeda, ayadoo adkeyn doonta ama qaadan doonta lacagta u taal bangiyada dalkaasi sidaay qoreen jaraaidka Kiiniya.


Somalida qaxootiga ku ah Kiiniya waxaa furda u ah inay dalkooda ku soo laabtaan ayadpp dhalaanka ay dhaleen u baahan yihiin in la qarameeyo maadaama loo dhigey tacliin ka duwan tii dawladooda ayuu qabaa Cali Calasow.

Si kastaba ha ahaatee waxa dawladu ku qasbanaatey inay xiriirka u jarto Kiiniya kadib markii Kiiniya joojin weyday farogelinta ay ku hayso arimaha gudaha dalka, waxana ugu dambeysay casuumad ay u fidisay gooni gooste Muuse Bixi oo xataa taageero ka haysan magaalooyinka Burco iyo Hargeysa.


”Safiirada u jooga Kiiniya Muqdisho waxa uga muhiimsan in dalka laga saaro ciidanka Kiiniya ayuu qabaa Cali Calasow waayo Kiiniya dhul balaadhan oo dalkeena ah ayay ku faanaysa inay maamusho, waxana lagama maarmaana in si degdega looga saaro dalka.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.