X

Somaliya wax ma u waayaysaa xiriirka ay u jartey Kiiniya yaase farta afka ku haya

Dawlada Somaliya oo intii uu yimi madaxweyne Farmaajo aan la gaban inay xiriirka u jarto wadamada yasa soona farageliya arimaheeda gudaha, waxay ugu horeyn eriday ergay yasid badnaa oo u dhashay Koofur Afrika, waxana ku xigey Gini oo ah dal aan la aqoon oo ka mida wadamada Ingiriisku rabay inay aqoonsadaan gooni goosadka Hargeysa iyo Burco.


Su’aasha ay ah Somaliya wax ma u waayaysaa xiriirka ay u jartey Kiiniya

Waa tahore Kiiniya waxay ku nooleyd dhaqaale xoogan oo ka soo gala Somaliya ha ahaado qaadka iyo badeecada waaweyn ee bilaa cashuurta ah ee dalka ay soo geliso. Waxay dekeda Kismaayo ka dhoofsataa waxay rabto taa bedelkeedna waxay ku haysaa Axmed Madoobe oo aan u dhalan gobolka.

Somaliya waxa halkaas ugu jira khasaare iyo dhaqaale baaxadle oo ummada Somaliyeed u soo hoyan lahaa ayay sanado badan oo Kiiniya joogtey gobolka ku wayday. Inkastoo qaadka la joojiyay haddana waxa khasaaraha ugu weyn soo gaaray kumanaan ku hoos noolaa.


Kiiniya lama dagaalanto argagixisada shabaab dhab ahaantiina waxay la yihiin saaxiib waayo haddii argagixisada laga guuleysto Kiiniya ma joogeyso dalka. Somaliya markaa khasaare ayay ku qabtaa waayo askarteeda ma hubeyn karto.

Yaa wax ku waayaya xiriirka loo jaray

Hadda ahaan cidna waayo waxay sii laba jibaari doontaa kaalmada ay siiso kooxda madasha musharixiinta oo durba ka ooyay xiriirka loo jaray iyo inay hubkeeda ku wareejiso Axmed madoobe halka horjooge Muuse Biixi ay xafiis uga furi doonto Hargeysa.


Guud ahaan Somaliya waxba u waayi mayso waaayo Kiiniya waxa loo aqoonsan doonaa qasaha weyn ee dalka hadda wixii ka dambeeyana sharci daro ku joogta dalka, diyaarna loo yahay in dalka laga saaro waana iyada ta farta wadnaha ku haysa.

Waxana talaabadan ka xumaanaya kuwa Kiiniya ku dabada xiran ee kooxda sheegata beesha caalamka iyo taageereyashooda ay biilaan ee jooga dalka gudihiisa eeisugu jira maamul jufeedyo iyo madasha musharixiinta.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.