X

Dawlada oo qorsheynaysa fowdo ka saarida gawaadhida Somaliya jooga

Dawlada ayaa qorsheynaysa fowdo ka saarida gawaadhida Somaliya jooga. Hadda waxa dekedaha Somaliya oo dhan ka soo dega gawaadhi laga keeno Eeshiya oo laga wado dhinaca midigta.

Diiniyana waxa gaadhiga laga fuulaa dhinaca midigta waxase buruka kadib dadku la soo degaayeen gaadhi laga fuulo dhinaca bidixda. Wadamo Hindiya, Ingiriiska iyo eeshiyada kale ka mid yihiin ayaa ka fuula gaadhiga dhinaca bidixda.


“Xeerkani wuxuu suurto gelinayaa haddii la dhaqan geliyo in Baabuurtaana la joojiyo, Baabuurtii Waddanka tiillayna ay si nadaam ah u socdaan, xeerkaan muhiimad gaar ah ayuu leeyahay, marka hay’adaha ay tahay in ay xeerkan dhaqan geliyaanna waa war gelinnay waana la socodsiinnay, waxaana rajeyneynaa in marka lagu dhaqmo xeerkaas uu Magaalada Muqdisho is beddel badan ka yimaaddo”. ayuu yiri Agaasimaha gaadiidka iyo duulista Cali Gacal.


Agaasimaha ayaa shilalka iyo ciriiriga mararka qaar ka jira magaalada Muqdisho ku sababeeyay xeerka wadda marista oo qaldan, wuxuuna sheegay in aysan mar kale soo degi doonin Gaadiid leh shukaan midig leh, kuwa haatan yaallana la marin doono guddiga imtixaanaadka tababarna la siin doono.


Cali Gacal ayaa ugu dambayn sheegay inay soo celin doonaan dhammaan shuruucdii gaadiidka iyo waddooyinka, islamarkaana aan la hubin doono caafimaadka wadaha, Da’da iyo bad qabka gaadiidka si ay u yaraadaan shilalka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.