X

Sirdoonka Sucuudiga oo safar qarsoodiya ku yimi Hargeysa iyo sirta ku xeeran

Sirdoonka Sucuudiga ayaa safar qarsoodiya ku yimi Hargeysa iyo sirta ku xeeran. Waxa laga soo xigteymasuuliyiin qariyay magacooda in xilhayaha sirdonka Sucudigu uu yimi Hargeysa lana kulmey Muuse Biixi.

Jeneraal Axmed Casiri oo nin madow ah ahna madaxa sirdoonka ayaa la xaqiijay inuu Hargeysa yimi sideyna lacag farabadan


Sucuudiga ayaa raba inuu dagaalkiisa diimeed ee uu kula Jiro Muslimiinta Iiran u soo wareejo Somaliya, isticmaalana dekedda Somaliyeed ee Berbera.

Wahaabiyiinta xagjirka ah ee Sucuudiga ayaa diin qaldan ku faafiya ummada Somaliyeed dhexdeeda sida dhalinteenii oo isqarxiya iyo cuqdad ay ku beereen dhalinta si loo naco Muslimiinta Iiraan taas oo u adeegaysa danaha cadowga ay la jiraan ee Yuhuuda iyo Maraykanka.


Xubno ka mid ah maamulka Muuse Biixi ee Somaliland ayaa xaqiijiyay in kulanka looga hadlay Balaarinta Saldhiga dowladda Imaaraadka Carabta ee Berbera ee looga duuli doono Yaman.


Diiwaan gelinta duulimaadyada ee 21-kii bishan ee Madaarka Hargeysa ma muujin duulimaadyo ka yimid dhanka Sacuudiga laakiin ilo kale waxay tilmaamayaan in Jeneral Axmed Casiri uu ka yimid dhanka Jabuuti uuna soo raacay diyaarad Ganacsi.

Muuse Biixi ayaa lagu casuumay Sucuudiga iyo Imaaraadka ayagoo u sheegay inay ictiraafka hayaan sida laga helayo warar laga helayo madaxtooyada Somaliland.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.