X

Dawlada oo war ka soo saartey ka ganacsiga diinka

Dawlada ayaa war ka soo saartey ka ganacsiga diinka oo baryahan ku soo badanayay magaalada Muqdisho inkastoo aan laga soo sheegin gobolada dalka.



Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Maxamed Cumar oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay tahay Sharci daro kala iibsiga Xayawaanka Diindiinka, islamarkaana tilaabo laga qaadi doono cidii lagu Arko.

Waxaa uu sidoo kale faray ciidamada amaanka inay ilgooni ah ku eegaan Kontooradda laga soo geliyo diinka Magaalada Muqdisho.



Ajaanib ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay ka dambeeyaan qorshaha uu qaaliga u noqday Diinka, waxayna dantooda tahay inay qalaan, kadibna ay ka soo dhex saaraan Jawharad ay ku iibsanayaan qarash badan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.