X

Maxaa ka soo kordhey ciidamadii weeraray guriga xildhibaan Cabdiqaybdiid

Maxaa ka soo kortdhey ciidamadii weeraray guriga xildhibaan Cabdiqaybdiid. Ciidamadan ayaa shalay la qabtey waxana la hayay ilaa xalay lamana oga cida amarka bixisay.



Cabdiqaybdiid oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in gurigiisa waxyeelo loo gaystey xaaskiisana musqusha ugu galeen. Hadalheynta weerarkan ayaa magaalada Muqdisho dhinacyo badan loo tuurey.

Dadka qaar ayaa sheegay inay ka dambeeyaan beesha Cabdiqaydiid oo la Jira C/raxmaan C/shakuur si loogu xumeeyo madaxda sare ee dawlada sida Farmaajo iyo Xasan Kheyre.



Dadka qaar ayaa leh waxa weerarkan si toosa faraha ugula Jira Imaaraadka.

Askarta qaar oo la waraystey ayaa sheegay inay ku qaldameen guriga taas oo suaalo kale sii dhalisay. Ciidankan Imaaraadku tababarey ayaa si aada u tababaran waxayna qaataan mishahar joogta oo aad u fiican.

Imaaraadka oo cuqdad ka qaba Turkiga ayaa raba inuu samaysto dawlad isaga ka amar qaadata Turkiga ka saarta Somaliya.



Madaxweyne Farmaajo ayaa isagu sheegay inay Jiri doonin cid u higaadisa cida Somaliya xiriir la yeelanayso iyo cida ayna la yeelanayn, siyaasadaas oo ilaa hadda weerar lagu hayo.

Waxa war rasmi ah laga sugayaa dawlada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 


admin:

This website uses cookies.