Wasaarada kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ayaa war Ka soo saartey kalluun dhintey oo aad u farabadan oo ku soo caaryay xeebta Muqdisho gaar ahaan qaybta ay degan yihiin askarta Amisom ee Xalane. Kalluunkaas oo sida muuqata la sumeeyay.
Wasaarada warfaafinta ayaa hore u sheegtay in kalluun sumeysan uu soo gaaray xeebta ugana digey kalluumeysatada inay soo dabtaan. Aaga askarta Afrikaanka degan yihiin ayaan loo ogoleyn kalluumeysatada Somalida.
Dheecaan qaadis
Wasaarada kalluumeysiga ayaa sidoo kale sheegtay inay kalluunka dalka dheecaan ka qaadi doonto si ay maxkamad ula fuusho wadamada xaalufiyay baddeena suntana Ku shuba.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS