Allepo–Dawlada Siiriya ayaa dib u cayrsatay argagixiso isa soo urursatay oo wata hub iyo lacag ay soo siiyeen Sucuudiga iyo Turkigu. Ciidamada dawlada ee ku sugan magaalada ay burburiyeen qayb ahaan argagixisada u wato Sucuudigu ee Allepo ayaa dib u riixey weerar saaka aroortii ay soo qaadeen argagixisada.
Argagixisada ay wataan Sucuudiga iyo Turkiga ayaa qabsaday gobolka la jaarka ah Turkiga ee Idlib bishii hore iyagoo hadda xooga saaraya magaalada labaad ee dalka ee Allepo oo ay argagixisadu barakiciyeen dhamaan dadkii ku noolaa magaalada iyagoo guryahoodii ka dhigtey dhufeys ay rasaasta isaga celiyaan.
Weerarka subaxdii saaka ee Jimca ahayd ayaa guushu ku raacdey ciidanka Siiriya oo awoodiisa ay wiiqdey hub Yuhuuda iyo Maraykanku siiyeen argagixisada oo markii dambe ka shaleeyeen.
Yuhuuda ayaa taageerta kooxda argagixisada ee Al-Nusra si meesha looga saaro awooda dawlada Siiriya..wadankana uu gacanta u galo urur diimeedyo iyo argagixiso diciifa oo sii barakiciya bulshada.
Kaadhkii Sucuudiga ee waxaan nahay SUNNI ee aan xukunka tuurno nin Muslim ah oo Shiico ah laakiin Sucuudigu gaaleeyeen ayaa hadda dhamaaday waxayna dadka reer Siiriya dareemeen in dalkoodii iyo xadaaradoodii burburtey imikana qarafo ku noolyihiin.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM
![_84024270_937f2630-7367-47d7-947a-4a0f00948727[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/07/84024270_937f2630-7367-47d7-947a-4a0f009487271.jpg)
![_84029094_gettyimages-472753512[1]](https://araabinews.com/wp-content/uploads/2015/07/84029094_gettyimages-4727535121.jpg)
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay