X

Dawlada Somali Galbeed oo laga helay kiiskii ugu horeeyay ee Kooro

Wasaarada caafimaadka ee dawlada Itoobiya ayaa shaaciyay kiiskii ugu horeeyay ee cudurka Kooro oo laga helay magaalada Jigjiga. Wasaarada ayaa sheegtay in ninka laga helay uu dhawaan Ka yimi Somaliya gaar ahaan deegaanada Butlaan.


Ninkan oo hadda Ku nool Jigjiga ayay wasaaradu sheegtay inuu u dhashay qowmiyadaha Itoobiya ayadoo aan sheegin inuu Somali yahay. Waxase loo malaynayaa inuu yahay Oromo ama Axmaar.


Waa kiiskii ugu horeeyay ee laga helo magaalada Jigjiga xilli magaalada xalay la geliyay bandow. Maamulka Mustafe Cagjar ayaa Ku fashilmey inuu magaalada Ka hagaajiyo biyaha roobka iyo qashinka qaasatan suuqyada cuntada taas oo wadata caafimaad xumo kale.


Si kastaba ha ahaatee waa la filaayay inuu deegaanka Somali Galbeed uu gaarayo cudurku. Masuuliyiinta caafimaadka ee Itoobiya ayaan garanayn inta qof ee shaqsiga laga helay uu arkey ama qaadsiin Karo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.