X

Banaanbaxa Muqdisho waxa badankiisa wadatay argagixisada: Booliiska Somaliya

Booliiska dawlada Somaliya ayaa xaqiijay in argagixisada iyo dawlad diidku ay ka dambeeyeen banaanbax aan haba yaraatee tixgelin siin dadaalada dawlada ee yaraynta faafida cudurka Kooro oo Muqdisho faro ba’an ku haya.


Waxa la arkey dhalinyar weerar ku ah madaxweynaha Somaliya oo haba yaraatee wax shaqo ku lahayn askariga gaystey dilka.

Askari ka tirsan dawlada oo aan lahayn haba yaraatee wax akhlaaqa ayaa rasaas si badheedha ugu dhiftey wiil iyo gabadh walaala oo aan ku kicin wax dhiba. Xataa  maba ogeyn waxa socda.


Booliiska magaalada ayaa qaba in argagixiso ku dhex jirtey dadkii banaanbaxa wadey maadaama ay wateen hub ayuu yiri taliyaha booliiska.

Xeebta Muqdisho

Waxa dhinaca kale xeebts Muqdisho lagu arkey muuqaal.ka soo geliyay baraha bulshada non garaacay wiil dhalinyara iyo gabadh kale xilli ay fadhiyeen xeebta, waxana la sheegay in lagu garaacay maxaad u eoomi weydeen. Booliiska ayaa sheegay in baadhid ku socota shaqsiga falkaas gaystey.


Waxa banaanbaxaas la xaqiijay inay soo abuubuleen argagixisada iyo dawlad-diidka, waxase taas ka sii daran haweenay sheegatey inay walaalo yihiin wiilka iyo gabadha la diley oo madaxweynaha iska weerartay una  sheegatay magaalada.

Hoobiye argagixisadu dad ku dishey

Waxa saaka argagixisadu xasuuqdey hal qoys kadib markii ay hoobiye ku soo tuureen gurigooda. Falkaas xasuuqa ma jirin dadka magaalada oo isku soo baxay ama dalbabaya cadaalad ayuu yiri Cali Calasow.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.